Dhir - Wikipedia U bood nuxurka Liiska ugu weyn Liiska ugu weyn U wareeji dhinaca liiska qari Gooshitaan Bogga Hore Bortaalka jaaliyada Isbedelada dhow Ku nasiibso bog Caawinaad Bogagga khaaska ah Raadi Raadi Muuqaal Tabarucid Sameeyso akoon Soo gal Qalabkaaga Tabarucid Sameeyso akoon Soo gal Tusmada U wareeji dhinaca liiska qari Bilow 1 Beer 2 Dhul beereedka 3 Keymo 4 Isticmaalka Dhirta Beddel Isticmaalka Dhirta qayb hoosaad 4.1 Cuntada 4.2 Shidaal 4.3 Agab 5 Asalka Beddel Asalka qayb hoosaad 5.1 Qeybaha Boqortooyooyinka 5.2 Faa'iidooyin Kale 6 Abuuridda 7 Sidoo kale eeg 8 Tixraac Beddel muuqaalka tusmada Dhir 238 luqadood Аԥсшәа Acèh Afrikaans Alemannisch አማርኛ Aragonés Ænglisc अंगिका العربية الدارجة مصرى অসমীয়া Asturianu अवधी Aymar aru Azərbaycanca تۆرکجه Башҡортса Basa Bali Boarisch Žemaitėška Bikol Central Беларуская (тарашкевіца) Беларуская Betawi Български भोजपुरी Banjar বাংলা Brezhoneg Bosanski Буряад Català 閩東語 / Mìng-dĕ̤ng-ngṳ̄ Нохчийн Cebuano ᏣᎳᎩ کوردی Corsu Čeština Чӑвашла Cymraeg Dansk Deutsch Zazaki Dolnoserbski Kadazandusun डोटेली ދިވެހިބަސް Ελληνικά English Esperanto Español Eesti Euskara Estremeñu فارسی Suomi Võro Na Vosa Vakaviti Føroyskt Français Arpetan Nordfriisk Furlan Frysk Gaeilge 贛語 Kriyòl gwiyannen Gàidhlig Galego Avañe'ẽ Gaelg Hausa 客家語 / Hak-kâ-ngî עברית हिन्दी Fiji Hindi Hrvatski Hornjoserbsce Kreyòl ayisyen Magyar Հայերեն Interlingua Jaku Iban Bahasa Indonesia Interlingue Igbo Ilokano ГӀалгӀай Ido Íslenska Italiano ᐃᓄᒃᑎᑐᑦ / inuktitut 日本語 Patois La .lojban. Jawa ქართული Qaraqalpaqsha Taqbaylit Jju Адыгэбзэ Kabɩyɛ Tyap Gĩkũyũ Қазақша ភាសាខ្មែរ ಕನ್ನಡ Yerwa Kanuri 한국어 کٲشُر Kurdî Kernowek Latina Ladino Lëtzebuergesch Лезги Lingua Franca Nova Limburgs Ligure Ladin Lombard Lingála ລາວ Lietuvių Latgaļu Latviešu मैथिली Basa Banyumasan Malagasy Олык марий Minangkabau Македонски മലയാളം Монгол ꯃꯤꯇꯩ ꯂꯣꯟ ဘာသာမန် मराठी Кырык мары Bahasa Melayu Malti Mirandés မြန်မာဘာသာ Эрзянь مازِرونی Nāhuatl Napulitano Nedersaksies Plattdüütsch नेपाली नेपाल भाषा Nederlands Norsk nynorsk Norsk bokmål Nouormand Occitan Livvinkarjala Oromoo ଓଡ଼ିଆ Ирон ਪੰਜਾਬੀ Kapampangan Papiamentu Picard Polski Piemontèis پنجابی پښتو Português Runa Simi ရခိုင် Română Armãneashti Tarandíne Русский Русиньскый Ikinyarwanda संस्कृतम् Саха тыла Sardu Sicilianu Scots سنڌي Srpskohrvatski / српскохрватски සිංහල Simple English Slovenčina Slovenščina ChiShona Shqip Српски / srpski SiSwati Sesotho Seeltersk Sunda Svenska Kiswahili Ślůnski Sakizaya தமிழ் Tayal తెలుగు Тоҷикӣ ไทย Türkmençe Tagalog Lea faka-Tonga Toki pona Tok Pisin Türkçe Татарча / tatarça ChiTumbuka Удмурт ئۇيغۇرچە / Uyghurche Українська اردو Oʻzbekcha / ўзбекча Tshivenda Vèneto Vepsän kel’ Tiếng Việt West-Vlams Walon Winaray Wolof 吴语 IsiXhosa მარგალური ייִדיש Yorùbá Vahcuengh Zeêuws 文言 閩南語 / Bân-lâm-gí 粵語 中文 IsiZulu Bedel linkiga Bog Wadahadal Soomaaliga Akhri Eeg isha Fiiri taariikhda Qalabka Qalabka U wareeji dhinaca liiska qari Tallaabooyin Akhri Eeg isha Fiiri taariikhda Guud Maxaa meeshaan la xiriiro Isbedelada la'xiriira Soo geli fayl Linkiga daaimka ah Macluumad ku saabsan Boggaan soo xigo Hel URL gaaban U beddel falanqeeyaha hore Daabac/dhoofin Abuur buug Soo dejiso sida PDF Nooc la daabicikaro Mashaariicda kale Abstract Wikipedia Wikimedia Commons Wikispecies Shay Wikidata Muuqaal U wareeji dhinaca liiska qari Ka Wikipedia Kani waa maqaal ku saabsan "dhirta". Bogag kale fiiri Geedaha iyo beeraha. \n[[Archaeplastida]]"},"regnum":{"wt":"[[Plantae]]"},"subdivision_ranks":{"wt":"Sidoo kale eeg"},"subdivision":{"wt":"<center>[[Beer]] • [[Geed]]</center>"}},"i":0}}]}'> Dhir Kala soocida cilmiga ah Xukun: Eukaryota (darajo la'aan): Diaphoretickes Archaeplastida Boqortooyo: Plantae Sidoo kale eeg Beer • Geed Geedku waa taageere nolosha dhulka oo aad u muhiim ah. Dhir (Af Ingiriis: plant; Af Carabi: نبات) sidoo kale loo yaqaano Dhirta Cagaaran waa noole ka samaysan unugyo badan oo isku xidhan taasi oo dulsaaran oogada sare ee dhulka. Dhirtu waa kalmada jamcisa dhamaan geedaha noocaydooda kala duwan ee laga helo carada dusheeda, biyaha dhexdooda, buuraha iyo meelo badan oo kala duwan. Waxa jira noocyo badan oo dhirta ah kuwaasi oo lagu qiyaaso in ay ka kooban yihiin ilaa 375,000 oo nooc. Guud ahaan dhirtu waxa ay ka kooban tahay qaar iniinyo leh (Seed plants) iyo qaar aan lahayn. Waxa kale oo ay ka kooban tahay qaar qodax leh iyo qayb aan qodax lahayn haba yaraatee. Qeybaha rasmiga ah ee dhirtu waa dhirta ubaxa leh (flowering plant), caleen-yare (carnifers), feerno, Lycopodiopsida, jirid-yare, algiya, caleenley iyo shurub. Dhirtu waxay ka mid tahay Nooleha. Sidoo kale, dhirtu waxay leedahay unugyo-dahaadhan (cellwalls) kuwaasi oo u suurta geliya ineey sameeysato cunto ayadoo isticmaaleysa ileyska qoraxda, biyo iyo kaarboon-labo-ogsajiin. Dhirtu waxay manaafacaad iyo faa'iido badan u leedahay dunidan aan ku noolnahay; waxay suurto-gelisaa in hawada ka soo saart kaarboonka isla markaana ku sii deeyso hawada Ogsajiin oo ah mida teegeerta nolosha xayawaanka iyo dadka. Intaas waxaa dheer in dhirtu soo saarto midho, caleemo, jirid iyo xidido kal duwan taasi oo ay quud iyo cunto ka dhigtaan dhamaan noolaha intiisa kale ee xayawaanka iyo dadku ka midka yihiin. Guud ahaan waxaa jira noocyo badan oo dhir ah; kuwaasi waxaa ka mid ah: beeraha, keymaha, iyo dhuldaaqsiimeedka. Maadaama juqraafiga dhulku kala duwan yahay, meelaha dhirtu ka baxdo aduunyada weey kala duwan tahay. Meelaha qaar waxaa ka baxa kumanaan nooc oo dhir ah, halka deegaanada qaar (sida saxareha ama lamadegaanka) ay ku yar tahay dhirtu. Maadaama noloshu ku tiirsan tahay dhirta waxaa waajib ah in la ilaaliyo jiritaanka, koritaanka iyo caafimaadka dhirta. Geedku wuxuu u baahan yahay ileys, biyo iyo hawo si uu u samaysto cunto asagoo isticmaalaya Habka Samayska Cuntada. Dhirtu waa noolaha kali ah ee cuntadiisa diyaarsada ayagoo isticmaalaya nidaam loo yaqaano Habka Samayska Cuntada (photosynthesis). Geeduhu waxay u baahan yihiin ileys (inta badan ileyska dabiiciga ah ee qoraxda), biyo ay xididadu ka soo nuugaan dhulka iyo hawo - gaar ahaan kaarboon-labo-ogsaydh (C2O) si uu u samaysto cunto asagoo isticmaalaya Habka Samayska Cuntada. Inta u badan dhirta, habka samayska cuntada ee geedku wuxuu ka dhex dhacaa caleemaha iyo laamaha dhirta, halkaas oo biyaha, awooda ileyska iyo [[kaarboon|kaarboon-labo-ogsaydh]ku ku falgalaan. Isku dhiska halkaas ka dhaca waxaa ka soo baxa Ogsajiin hawo ah oo caleemuhu cirka ku sii daayaan. Taasi oo ah faa'iidada koowaad ee dhirtu u leedahay deegaanka dhulka. Habka Samaynta Cuntada ee geedka. Dhirtu waa isha koowaad ee Ogsajiinta ku darta dhulka. Qaacidada Habka Samayska Cuntada ee dhirtu waa sidan: 2n CO2 + 2n DH2 + Ileyska Qoraxda → 2(CH2O)n + 2n DO Kaarboon-labo-ogsaydh + deeq elektaron + awooda iftiinka → Kaarbohaydarate + deeq elektaron ogsajiin Habkan cunto samayska dhirtu wuxuu dhacaa wakhtiga maalintii sababtoo ah iftiinka falaadhaha qoraxda waa lagama maarmaan. Sidoo kale, habkani waxaa lagu sameeyn karaa nidaam loo yaqaano greenhouse oo iftiin fiican siin kara geedka. Habka samayska cuntada dhirta waa deeqaha koowaad ee Ogsajiinta ku dara hawoda. Markasta oo geedku cunto sameeysto Ogsajiin ayuu sii daayaa taasi oo dadka iyo xayawaanku neefsadaan. Beer Geedaha aan caleenta lahayn. Beer, ama Beero (wadar) waa nidaamka abuurida, korinta, xanaaneynta iyo soo saarida dhir laga sameeyo cunto, dhar, daawo, hooy iyo guud ahaan manafaac taageera nolosha dadka, xoolaha, xayawaanka iyo inta ku tiirsan. Beeruhu waa aasaaska nolosha iyo jiritaanka nolosha, iyo barta ay ka soo uunkantey horumarka xadaarada aadamaha. Waxa jira noocyo badan oo beero ah kuwaasi oo lagu qiyaaso in ay ka kooban yihiin ilaa 375,000 oo nooc. Dhirtu waxa ay ka kooban tahay qaar iniinyo leh (Seed plants) iyo qaar aan lahayn. Waxa kale oo ay kakooban tahay qaar qodax leh iyo qayb aan qodax lahayn haba yaraatee. Dhul beereedka Inkastoo dhirtu u qaybsanto mid la aadanuhu cuno iyo mid uu anfacsado iyo mid uusan waxba ku falin ayaa hadana waxaa jira dhul loogu talo galay beerashada, dhulkaas ayaa ka bedelan kan kale, waxaa ku badan macdanta iyo nafaqada dhiri ku bixi karto, dhuldaaqsimeedka waxaa lagu gartaa carrada madow ee dhoobeeyda ah, badanaa waxaa ka ag dhow biyo mareenno sida wabiyada iyo togaga, ama waa meel godan oo biyo fariistaan xiliyada roobka, dhirta lagu beerto ayaa leh xili la gurto. Keymo Keymuhu waa dhul baaxad balaadhan leh oo geedo badan iyo cows badan leh, kuwaas oo dabiici ama dad-beer ah. Tiro badan oo dhir nooceeda, dhererkeeda iyo qaradeedu kala duwan tahay ayaa noqonaysa Keyn. Oogada sare ee dhulka waxaa ku yaala keymo aad u badan kuwaas oo ku fadhiya 9.4% dhulka dunida. Si kale hadaan u dhigno keymuhu waxay qariyaan 30% dhulka qalalan ee dunida. Intaas uun kuma koobna ee waxaa jira keymo biyaha ku dhex yaala. Waxaa ka mid ah keynta kelp. Keymaha Kelp ee biyaha ka dhex baxa. Keymaha dunida ugu weyn waxaa ka mid ah Keynta Tayga ee ku fidsan labo qaaradood, taas oo ka soo bilaabanta Kanada kuna fidsan dhamaan wadanka Ruushka, iyo Rainforest oo ku taala wadanka Brasil ee Koonfur Ameerika. Keymaha alwaaxa ee dhaadheer. Isticmaalka Dhirta Jirida geedaha waawayn waxaa laga sameeyaa alaabo badan oo dadku isticmaalaan. Sida cilmiga jiyoolojigu sheegay, Dhirta dabiiciga ah waxay oogada dhulka ku beeran tahay in ka badan 370 milyan oo sano. Barashada cilmiga tirada, koritaanka, caafimaadka, isticmaalka iyo baaxada keymaha dhirta caalamka waxaa loo yaqaanaa Silvicultur. Dhirta dadku beeraan si looga sameeyo cunto, dhar, agabka dhismaha, qurux ahaan iyo waxyaabo kale waxaa loo yaqaanaa Beer (plantation). Beeraha lagu beero khudaarta iyo midhaha waxaa lagu magacaabaa Beer-midho (orchard). Dhul baaxad balaadhan leh oo geedo badan iyo cows badan leh, kuwaas oo dabiici ama dad-beer ah, waxaa loo yaqanaanaa Keyn (forest). Sidoo kale, deegaanada fidsan ee buuruhu ku yar yihiin isla markaana leh cows badan iyo geedo talanteel ah waxaa lagu magacaabaa Dhuldaaqsiin (savanna). Guud ahaan, dhir badan ayaa ku taala oogada dhulka. Meelaha qaar aad ayay ugu badan tahay oo keymo waawayn ayaa ku yaala - keymaha ugu weyn dunida waxaa ka mid ah Rainforest oo ku taala wadanka Brasil ee Koonfur Ameerika iyo Tayga (Taiga) oo ku fidsan labo qaaradood oo kala ah Waqooyiga Ameerika iyo Ruushka. Dhamaan noocyada geedku faa'iido badan ayuu u leeyahay noolaha iyo deegaanka dhulka. Nolosha dadku si toosan ayay ugu xidhan tahay dhirta, mar ahaan waa isha koowaad ee quudka (cunto), daawooyinka, agabka guryaha, dharka iyo sheeyo badan oo aadamuhu isticmaalo. Marka labaad, ayadoo isticmaalaysa Habka Samayska Cuntada dhirtu si joogto ah ayay hawada ugu dartaa neefta Ogsajiinta, midaas oo noole badan neefsado. Waxa intaas dheer in dhirtu difaac u tahay carada ayadoo ka ilaalisa nabaad-guurka. Cuntada Geedka Sonkorta. Geeduhu waa isha ugu horeeysa ee soo saarta noocyo badan oo cuntada dadku quutaan maalin kasta. Khudaarta sida basasha, tamaandhada, besbaask, toonta, saladhka, barandhada iyo kuwo kale oo badan; iyo midhaha sida muuska, liinta, tufaaxa, cambaha, saytuunka, timirta iyo in badan oo kale waxay ka mid yihiin dhirta loo beero ganacsi ahaan ee caalamka oo dhan laga…